Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Muuse Suudi oo si aan horey loo arag loogu soo dhoweeyey Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Senator Xaaji Muuse Suudi Yalaxow ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle, halkaasi oo dhowaan la filayo inay ka dhacdo doorashada Aqalka Sare. 

Muuse Suudi ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey Jowhar, waxaana ka qeyb qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka HirShabelle, Wasiiro, Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe, Maamulka degmada, qeybaha bulshada iyo barbaarta gaashaaman.

Waxaa sidoo kale isugu soo baxay soo dhoweynta boqolaal shacab ah oo aad u qiireysan, taasi oo muujineysa heerka ay gaarsiisan tahay taageerada ay Muuse Suudi u hayaan shacabka beeshiisa.

Kursiga uu ku fadhiyo Senatar Muuse Suudi oo hadda loo tartami doono ayaa ah kan ugu culus siddeeda kursi ee la qorsheynayo in dhawaan lagu tartamo, ayada oo la filayo in Guudlaawe uu dhowaan soo saaro liiska musharaxiinta Aqalka Sare.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa la filayaa inuu liiska musharaxiinta Aqalka Sare kusoo daro Senator Muuse Suudi Yalaxow, kadib markii uu iska caabiyey cadaadisyo xooggan, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Sida aan xogta ku helnay, madaxweyne Guudlaawe ayaa ku gacan seeray dalab kaga yimid Villa Somalia, oo ku aadana in liiska laga saaro Xaaji Muuse, oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda madaxweyne Farmaajo, islamarkaana ka mid ah hoggaamiyeyaashii hagayey ciidankii Badbaado Qaran ee soo galay Muqdisho.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in liiska lagu soo dari doono Senator Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle iyo Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, oo ka mid ah Senatorada beesha Mudulood.

Hoos ka daawo soo dhoweynta Muuse Suudi

The post Daawo: Muuse Suudi oo si aan horey loo arag loogu soo dhoweeyey Jowhar appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this