Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Turkiga kaga qeyb galay Tababar loo soo xirayay saraakiil

Recommended Posts

Deeq A.   
3-2.jpeg?resize=720%2C480&ssl=1

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa dalka Turkiga kaga qeyb galay Munaasabad Tababar loogu Soo Xerayay saraakiil ka qalin Jabisay Akadeemiyadda Ciidanka ee Jaamacadda Difaaca Qaranka ee Dalka Turkiga oo ay ka mid yihiin Saraakiil ka tirsan Ciidamada Soomaaliya.

Waxaa munaasabadda ka soo qeybgalay MadaxweynahaTurkiga iyo Xubno ka tirsan Xukuumadiisa, Sidoo kale Waxaa bilado iyo Shahaadooyin la gudoonsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Soomaaliya Dalka.

Wasiirka Wsaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa halkaas Shahaado Sharaf ku gudoonsiiyay qaar ka mid ah Saraakiisha Soomaaliyeed ee Tababarka usoo idlaaday.

Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhigga ayaa Dowladda Turkiga ugu Mahadceliyay Tababaradda iyo taageerida ay la garab taagantahay ciidanka XDS.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Turkiga kaga qeyb galay Tababar loo soo xirayay saraakiil appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this