Deeq A. Posted August 31, 2021 Dabley hubaysan ayaa xalay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku dilay askar ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya. Goob-joogayaal ayaa sheegay in kooxda hubaysan ay degmada Kaaraan ku dileen laba askari oo ka tirsanaa Ciidamada Milatariga Soomaaliya. Labada marxuum ayaa magacyadooda lagu sheegay Axmed-deey Gadaf iyo Sakariye Cali Aaden. Kooxdii dilka fulisay ayaa midkood goobta lagu toogtay halka intii kalena carartay sida wararku sheegayaan. Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka loo gaystay labadaas marxuum eek a tirsanaa ciidamada dowladda. PUNTLAND POST The post Askar ka tirsan ciidamada dowladda oo Muqdisho lagu dilay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites