Sign in to follow this  
Deeq A.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Pakistaan oo Ka Jawaabtay eedeymo loo Jeediyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Paakistaan ayaa ka jawaabtay cabashooyin iyo eedeymo culus oo kaga yimid Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi, kuwaasi oo maal mihii ugu dambeeyay Baraaha Bulshada si weyn loogu faafiyay.

Soomaalida ah ee ku nool dalkaasi oo u badnaa Arday wax ka barata Dalka Pakistaan ayaa sheegay in dhibaato weyn ay ka haysato fiisaha, waxaana ay intaa ku dareen in Safaaraddu ay ka gaabisay howlihii loo baahnaa in ay bulshada u qabato, balse War-saxaafadeed kasoo baxay Safaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in arrinta Fiisaha ee ay ardaydu ka cabanayaan sida ugu dhaqsiyaha badan waxlooga qaban doono, oo ay safaaraddu u taagan tahay sidii Ardayda cabashada keenay u xalin laahyd.

Waxaa War-saxaafadeedka kasoo baxaya Safaaradda ayaa Ardayda iyo dadka kale ee Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi waxaa loogu sheegay hannaanka la doonayo in ay maraan si ay u helaan Fiisaha.

Sidoo kale Qoraalka kasoo baxaya Safaarada ayaa waxaa lagu sheegay in isbeddal uu ku yimid qaabkii loo qaadan jiray Fiisaha, iyadoo Dowaldda Pakistan ay bilowday hannaan cusub oo Online ah, kaaso oo looo baahan yahay in Ardaydu ku baraarugaan, sida Qoraalka Safaaradda lagu sheegay.

PUNTLAND POST

The post Safaaradda Soomaaliya ee dalka Pakistaan oo Ka Jawaabtay eedeymo loo Jeediyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this