Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaaradaha Mareykanka oo ka hortagay weerar kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanku ku qaadeen caasimadda Afghaanistaan ee Kabul, ayaa ka hortagay weerar kale oo ismiidaamin ahaa oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha, sida ay sheegeen saraakiisha militariga Mareykanka.

Weerarka ayaa lala beegsaday gaari ay saarnaayeen ugu yaraan hal qof oo xiriir la leh urur goboleedka Islaamiga ah ee Afghanistan, sida uu sheegay taliska dhexe ee Mareykanka.

Mareykanka ayaa ka digay suurtagalnimada weeraro kale, maadaama daadgureynta dadka ay sii dhammaaneyso.

Weerar bambaano ah oo Khamiistii la soo dhaafay ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Kabul, ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 170 qof oo ay ku jiraan 13 askari oo Mareykan ah.

Ururka la baxay Dowladda Islaamka Khorasan (IS-K), ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaas.

PUNTLAND POST

The post Diyaaradaha Mareykanka oo ka hortagay weerar kale appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this