Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoonka diyaaradaha Kabul oo gantaallo lagu weeraray

Recommended Posts

Deeq A.   

Habka difaaca gantaallada Mareykanka ayaa dhexda ka qabtay illaa shan gantaal oo maanta lagu soo weeraray garoonka diyaaradaha Kabul, sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah, ayada oo militariga Mareykanka ay soo geba-gebeynayaan dagaalkoodii ugu dheeraa ee Afghanistan.

Kadib daad-gureynta qiyaastii 114,400 qof, oo ay ka jiraan ajaaniib iyo Afgaaniyiin la sheegay inay halis ku jiraan ayaa Mareykanka iyo xulafadiisa waxaa la filayaa inay soo geba-gebeeyaan ka bixitaankooda dalkaas Talaadada, oo ah maalinka ay qabsadeen.

Warbaahinta Afghanistan ayaa maanta werrisay in weerarka gantaallada laga soo qaaday qeybta dambe ee baabuur. Wakaaladda wararka Pajhwok ayaa sheegtay inay dhowr gantaal ku dhaceen qeybo ka mid ah caasimadda Kabul.

Wararka horudhaca ah ma sheegayaan wax khasaare ah oo ciidamada Mareykanka kasoo gaaray weerarka gantaallada, sida uu sarkaal codsaday inaan la magacaabin u sheegay Reuters.

Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in madaxweyne Biden uu mar kale ku celiyey amarkiisa taliyayaasha ee ah in ay sameeyaan wax kasta oo lagama maarmaan ah oo ay ku ilaalinayaan ciidankooda dhulka jooga kadib markii lagu wargeliyey weerarka.

PUNTLAND POST

The post Garoonka diyaaradaha Kabul oo gantaallo lagu weeraray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this