Sign in to follow this  
Deeq A.

Tigrayga Oo Ku Gacan Seydhay Hindise Midowga Afrika Ka Yimid, Weerarna Ku Qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis ababa)-Xoogagga fallaagada ah ee ka soo jeeda gobolka Tigray ee uu dagaalku ka socdo ee Itoobiya ayaa ku eedeeyay Midowga Afrika (AU) eex, maalmo kadib markii ururku uu u magacaabay madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo inuu dhexdhexaadiye ka noqdo colaadaha ka taagan dalka Itoobiya.

Afhayeenka Jabhadda Xoreynta Dadka Tigrayga (TPLF) Getachew Reda ayaa ku eedeeyay AU inay u eexatay dowladda Itoobiya, wuxuuna sheegay inay “caqli -darro tahay in la filaayo in howlgalkan uu shaqeeyo”

Waqooyiga Itoobiya ayaa waxaa hadheeyey rabshado tan iyo bishii November ee sannadkii hore, markii Raysal wasaare Abiy Ahmed uu ciidamo u diray gobolka Tigray, si ay u afgembiyaan TPLF oo ah xisbiga tallada gobolkaas haya.

Abiy Axmed ayaa sheegay in tallaabada uu ciidammada ugu diray gobolkaas ay jawaab u tahay weeraradii lagu qaaday xerooyinka ciidamada dowladda federaalka ku lahaayeen gobolka Tigray.

Guulleystaha abaalmarinta Nabadda ee Nobel ee 2019, wuxuu ballanqaaday guul deg deg ah, laakiin dagaalku wuxuu sii jiitamayey muddo bilo ah, taas oo dhalisay dhibaato bini’aadanimo oo ka dhacday gobolka Tigray, halka fallaagadu ay qabsadeyn qeybo kamid ah gobollada deriska la ah ee Canfarta iyo Amxaarada.

Abiy Ahmed ayaa hore u diiday inuu wadahadal la yeesho hoggaamiyeyaasha Tigrayga, isaga oo ku adkeystay inuu meesha ka saari doono madaxda TPLF.

Khamiistii, ururku Midowga Afrika wuxuu ku dhawaaqay inuu Obasanjo noqdo wakiilka sare ee Geeska Afrika, isagoo sheegay inay qayb ka tahay “dadaal lagu horumarinayo nabadda, amniga, xasilloonida iyo wadahadalka siyaasadeed”.

Laakiin afhayeenka TPLF Getachew ayaa iska fogeeyay qorshahaan, isagoo yidhi: “Aad bay noogu adag tahay inaan ogaano sida dadku ay si macquul ah uga filayaan kaalin wax dhisaya hay’ad uu musuq-maasuqa u bixiyey magaca aad u xun”.

“Xallinta xiisadda ugu yaraan waxay u baahan tahay in la qiro jiritaanka, iskaba daaye baaxadda ay le egtahay dhibaatada,” ayuu ku qoray Twitterkiisa afhayeenka TPLF.

Dagaalka Itoobiya ayaa caddeeyey inuu yahay mowduuc xasaasi u ah Midowga Afrika oo xaruntiisu tahay Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this