Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal ka qarxay Degaano ka tirsan Gobolka Sool+Khasaaraha Dhimasho & Dhaawac

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal ka qarxay Degaano ka tirsan Gobolka Sool+Khasaaraha Dhimasho & Dhaawac

dagaal.jpg

Khasaare xooggan ayaa ka dhashay dagaal toos ah oo duhurnimadii ka dhacay tuulada Finley oo u dhexaysa Birta-dheer iyo degmada Boocame oo ka tirsan Gobolka Sool.

Dagaalkan ayaa daba socday iska hor-imaad kooban oo ka dhacay miyiga Ballli-cad oo ku dhow Saax-maygaag halkaas oo laba sahan ku dagaallameen islamarkaana hal qof ku geeriyooday.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex ruux ku geeriyootay dagaalkii dambe halka in ka badan 10 kalena ku dhaawacmeen.

Colaadda labada dhinac oo ku salaysan muran dhuleed ayaa todobaadyadii u dambeeyay ka taagnayd tuulada Saax-maygaag oo horay labada dhinac ugu dagaallameen 28-kii bishii tagtay ee Luuliyo.

 

Dad degaankaas dagaalku ka dhacay ku dhow oo xidhiidho kala duwan lala sameeyey ayaa sheegaya in gurmad labada dhinacba ah uu soconayo lagana baqaayo in dagaalku sii xoogaysto.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this