Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo La Sheegay In Uu Guddoomiyihii Hore Ee Golaha Wakiillada Somaliland Ka Soo Celiyey Gaadhi V8 Ah Oo Goluhu Lahaa Oo Uu Jaxaastay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Warar Wargeyska Waaberi uu ka helay illo u wareed-yo kal duwan,ayaa tibaaxay in Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax uu salaasadii toddobaadkii hore uu dib Golaha ugu soo celiyey gaadhi nooca loo yaqaano Toyota Land CruiserV8,kaas oo kamid ahaa hantida Golaha Wakiillada,kadib markii uu Madaxweyne Biixi ku amray in uu gaadhigaas sida ugu dhakhsaha baddan leh uu ugu soo celiyo Golaha.

Hase-yeeshee xoggaha gaadhigan la xidhiidha, waxa ay xuseen in Baabuurkan oo ah nooca raaxadda ee loo yaqaano Toyota Land CruiserV8, kaas oo la sheegay in miisaaniyadda Qaranka looga iibiyey Golaha uu jaxaastay Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed,isla markaana aanu maalintii uu xilka wareejinayey la iman Golaha,isagoo aan ku darrin xil wareejintiisana in gaadhigaas V-8-ka ahi uu kamid yahay hantida Golaha,kaas oo loo malaynayo inuu damaaciyey oo uu doonnayey inuu iska qaato,balse waxa xusid muddan in uu maalintii xil wareejinta uu meesha kaga tegay gaadhi daallay oo uu isagu lahaa oo uu noociisu ahaa Baraaddo,wallow la sheegay inuu maal-mo kadib-na uu haddana xarunta Golaha Wakiillada ku soo dhex tuuray gaadhi yar oo indho cadde ah oo uu isna lahaa.

Docda kale, wararku waxa ay intaa ku dareen in Madaxweyne Biixi oo ka war helay in gaadhigaas suuqa lagu wato uu si weyn uga cadhooday,isla markaana uu si addag ula haddlay Baashe Maxamed Faarax oo uu ku amray in gaadhigaas uu sida ugu dhakhsaha baddan leh uu ugu soo wareejiyo Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirasaaq Khaliif Axmed,maddaama oo uu gaadhigaas kamid ahaa hantida Golaha Wakiillada Somaliland oo aanu isagu lahayn.

Geesta kalena wararka ayaa sheegay in Baashe Maxamed Faarax uu subixii hore ee salaasadii toddobaadkii hore uu gaadhigaas u soo dhiibay darawalkiisa,isla markaana uu ku soo celiyey Golaha Wakiillada Somaliland,kaas oo uu hadda wato Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirasaaq Khaliif Axmed.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this