Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal Beeleed Khasaare Geytey Oo Dib Uga Bilaabmay Gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Laascaanood)-Dagaal ka bilaabmay dulleedka birta dheer ayaa wararka laga helayaa ay sheegayaan in khasaare badani halkaa uu ka dhashay, oo dhimasho, dhaawac iyo dad la qafaasheyba ay ka dheceen.

Dagaalkan ayaa sababay ka dib markii ay dabley hubaysan ay saaka weerar ku qaadeen tuulo lagu magcaabo Filley oo Boocame koonfur bari kaga beegan, una dhow Fardhidin.

Dagaalkan ayaa dhacay iyadoo ay socotey wadahadal labada beelood u dhexeeya, kaas oo la filayey in uu xal laga gaadho sida ay gudiga labada dhinac u dhexaysey ay sheegeen.

“Waxaan filayney in uu bilaabmo fadhiga labada beelood oo mar hore dagaal ku dhexmaray halka lagu magcaabo Saaxmeygaag, saaka ayaan ku waaberiisaney in Filley nin lagu diley xoolo waraabsanay, nin la socdeyna la sheegay in dableydii qaateen” sidaa waxaa HOL u  sheegay Axmed Maxamuud Faarax Cagaagane oo ka mid ahaa gudigii isu xilqaamay joojinta colaada.

Axmed waxa uu intaas ku daray in dableydii weerarka soo qaaday dabley kale ka daba tageen oo illaa haatan uu dagaal ka socdo meel aan ka fogeyn Birta-dheer welina aan wax war ah oo la sheego aanay hayn waxase uu sheegay in khasaare xooglihi jiro.

Dad degaankaas ku dhow oo xidhiidho kala duwan lala sameeyey ay sheegayaan in gurmad labada dhinacba ah uu soconayo lagana baqsan yahay in uu sii xoogaysto.

Xigasho: Hiiraan

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this