Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal dib uga bilowday Degaanka Garba-ciise oo u dhexeeya Somalida & Canfarta

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal dib uga bilowday Degaanka Garba-ciise oo u dhexeeya Somalida & Canfarta

canfar.jpg

Waxaa lagu soo warramayaa in saaka uu dagaal dib uga bilowday agagaarka magaalada Garba-ciise iyo aagga tuulada Gawracan ee gobolka Siti.

Dagaalkan u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday halkaas inkasta oo shaley xaaladda ay degeneyd.

Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa bishii lasoo dhaafay ku eedeysay ciidamada Canfarta in dad rayid ah ay ku laayeen Garba-ciise.

Maamulka Soomaalida wuxuu sheegay in uu difaaci doono shacabka degan Garba Ciise iyo deegaanada ku hareereysan.

.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this