Deeq A. Posted August 29, 2021 Xulka Gobolka Haylaan ee ku guulaystay Koobkii Gobollada Puntland ayaa maanta ku wajahan magaalada Muqdisho halkaas oo ay dalxiis ku tegayaan. Xulkan oo xalay soo gaaray caasimadda Garoowe ayaa goor dhow ka amba-baxaya Garoonka diyaaradaha Garoowe waxaana ay ku sii jeedaan Muqdisho. Wasiirka Qorshaynta dowladda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa xulka ku casumay Muqdisho si ay dalxiis ugu soo qaataan halkaas. Sidoo kale waxa la filaya in ay ciyaar saaxiibtinimo la dheelaan kooxda Horseed ee ciidamada Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Xulka Gobolka Haylaan oo maanta ku wajahan Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites