Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay gobolka Cayn

Recommended Posts

Deeq A.   
RAAAWE.jpg?resize=1000%2C750&ssl=1

Kusimaha madaxweynaha Puntland ahna madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan ayaa xilka qaadis ku sameeyay guddoomiyihii Gobolka Cayn Guuleed Maxamed Nuux (Guuleed san-weyne).

Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne ku xigeenka ayaa guddoomiyaha cusub ee Gobolka Cayn lagu magacaabay Cabdifitaax Ciise Maxamed (Raawe).

Dikreetada ayaaa loo cuskaday tala-soo jeedin ka timid wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland iyo xildhibaannada ka soo jeeda Gobolka Cayn.

Guuleed San-weyne ayaa xilka hayay mudda sannad iyo sideed bilood ah kadib markii madaxweyne ku xigeenku magacaabay 4-tii December 2019.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiye cusub oo loo magacaabay gobolka Cayn appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this