Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahinta: iska hor-imaad ka dhacay miyiga Tuulada Saax-maygaag

Recommended Posts

Deeq A.   
Nugaal.png?resize=650%2C338&ssl=1

Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa  ku dhintay iska hor-imaad hubaysan oo maanta ka dhacay nawaaxiga tuulada Saax-maygaag oo u dhexaysa Birta-dheer iyo degmada Boocame.

Laba Sahan ayaa iska helay miyiga lagu magacaabo Balli-cad oo dhanka hawdka ka xiga tuulada Saax-maygaag halkaas oo iska hor-imaad kooban ka dhacay.

Degaankaas waxa ka aloosan xiisad colaadeed oo u dhexaysa laba malayshiya-beeleed oo ka soo kala jeeda Boocame iyo Birta-dheer.

28-kii bishii tagtay ee Luuliyo ayay labada dhinac ku dagaallameen tuulada Saax-maygaag waxaana weli is hor-fadhiya dhinacyadii dagaallamay.

Sidoo kale waxa dhaqan-geliwaayay go’aanno kala duwan oo Puntland ka soo saartay si loo xakameeyo colaadda degaankaas oo ku salaysan muran dhuleed.

PUNTLAND POST

The post Faahfaahinta: iska hor-imaad ka dhacay miyiga Tuulada Saax-maygaag appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this