Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Qodobada Heshiis Xasaasi Ah Oo Turkiga Iyo Qatar Ay La Gaadheen Taalibaan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Kabul)-Turkiga iyo Qatar ayaa si wada-jir ah u maamuli doona garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kabul, ayada oo shirkad amni oo gaar loo leeyahay oo Turkish ay sugi doonto amniga garoonka, sida ku cad heshiis ay la galeen Taalibaan.

Heshiiskan oo qabyo qoraal ah ayaa la dhammeystiri doonaa kadib markii ciidammada Mareykanka ay soo geba-gebeeyaan ka bixitaankooda Afghanistan, toddobaadka soo socda.

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa sidoo kale ay qasab tahay inuu saxeexo heshiiska. Waxaa la filayaa inuu arrintan wada-tashi kala yeesho xulufadiisa NATO, gaar ahaan Mareykanka.

Turkiga ayaa dhowaan soo geba-gebeysay ka bixitaanka ciidamadeeda ee garoonka kadib markii wada-hadallo ay la yeesheen hoggaanka Taalibaan lagu gaadhi waayey heshiis ay ciidanka Ankara kusii joogi lahaayeen garoonka kadib bixitaanka Mareykanka.

Turkiga ayaa muddo toddobaadyo ah sahmineysay suurta-galnimada ah inay sugto amniga garoonka marka ay ka baxaan ciidamada Mareykanka.

Faah-faahinta heshiiska qabyada ah

Erdogan ayaa khudbad uu Jimcihii jeediyey ku sheegay in Taalibaan ay Turkiga u yaboohday fursad ay ku maamusho garoonka, hase yeeshee ay ku adkeysteen inay amniga ayaga sugaan.

Si kastaba, labada dhinac ayaa hadda isku raacay heshiis qabyo qoraal ah oo xal u noqon kara arrintan, waxaana qodobada ugu muhiimsan heshiiska ay yihiin:-

• Turkiga waxa ay Taalibaan u aqoonsaneysaa dowladda sharciga ah ee Afghanistan.

• Turkiga iyo Qatar ayaa si wada-jir ah u maamulaya garoonka diyaaradaha Kabul.

• Ankara ayaa sugeysa amniga garoonka ayada oo loo marayo shirkad gaar loo leeyahay, oo shaqaalaheeda ay isugu jiri doonaan saraakiil hore uga tirsanaa millatariga iyo booliska Turkiga.

• Ciidamada gaarka ah ee Turkey oo noqon doona kuwa dharcad ayaa sugi doona amniga shaqaalaha Turkish-ka ee garoonka, balse kama bixi doonaan xeendaabka garoonka.

Mid ka mid ah caqabadaha hortaagan heshiiskan ayaa ah in dowladdii hore ee Afghanistan ay bishii October ee sannadkii tegay ay qandaraas lagu maamulayo garoonka siisay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta. Taalibaan ayaa u baahan inay heshiis gaar ah la gasho shirkadaas.

Ciidamada gaarka ah oo sii jooga

Turkiga ayaa weli waxaa u furan safaaraddeeda Kabul, kamana ayna soo daad-gureyn dalkaas diblomaasiyiinteeda muhiimka, oo uu ku jiro safiirka.

Sidoo kale, xubno ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Turkiga ayaa ku sugan Kabul, si ay u ilaaliyaan safaaradda, halka kuwa kale ay joogaan Islamabad, si haddii gurmad ahaan loogu baahdo loogu yeero.

Sanadahii tegay, Turkiga ayaa ilaalineysay qeybta millatari ee garoonka, si looga hor-tago weeraro banaanka uga yimaada.

Horraantii xagaagan, Ankara ayaa ku dhoweyd in Mareykanka la gasho heshiis ay kusii waddo howlgalkan, hase yeeshee deg-degtii at Taalibaan kula wareegtay dalka ayaa beddeshay xaaladda.

Saraakiil Turkish ah ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in sii joogitaanka Afghanistan uu ka caawin doono inay ilaaliyaan danaha siyaasadeed iyo kuwa ganacsi ee ay ka leeyihiin dalkaas.

Turkiga iyo Qatar ayaa si wada-jir ah u maamuli doona garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kabul, ayada oo shirkad amni oo gaar loo leeyahay oo Turkish ay sugi doonto amniga garoonka, sida ku cad heshiis ay la galeen Taalibaan.

Source

Share this post

Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this