Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Puntland oo Gaalkacyo ku qabtay gaari la soo xaday iyo kooxdii wadatay

Recommended Posts

Deeq A.   
2-35.jpg?resize=960%2C720&ssl=1

Ciidanka Booliiska Puntland, ayaa xalay magaalada Gaalkacyo ku qabtay gaari laga soo xaday degmada Galdogob ee Gobolka Mudug.

War kooban oo ka soo baxay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Mudug, ayaa lagu sheegay in gaariga la soo xaday iyo kooxdii wadatay lagu qabtay gudaha magaalada Gaalkacyo.

Hawlgalka lagu qabtay gaarigaas waxa fuliyay Booliiska saldhiga Galbeed ee Gaalkaco, sida lagu sheegay warka.

Booliiska ayaa soo bandhigay sawirka gaariga oo ku jira gacanta ciidanka, inkastoo aysan muujin sawirada dadka lagu qabtay gaarigaas.

PUNTLAND POST

The post Booliiska Puntland oo Gaalkacyo ku qabtay gaari la soo xaday iyo kooxdii wadatay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this