Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka Talibaan oo Dalab lama filaana u diray Haweenka ka shaqeeya Goobaha Caafimaadka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Talibaan oo Dalab lama filaana u diray Haweenka ka shaqeeya Goobaha Caafimaadka

afghanistan.jpg

Taliban ayaa ka codsatay haweenka ka shaqeeya wasaaradda caafimaadka ee dalkaas inay dib ugu laabtaan shaqadooda.

Afhayeenka kooxda Zabihullah Mujahid ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay “in haweenkan ay si joogto ah shaqadooda dib ugu laabtaan”

Balse ma uusan soo hadal qaadin waxa ay ku dambeyn doonto xaaladda dumarka kale ee ka shaqeeyo dalkaas.

Horraan Taliban waxay haweenka dalkaas fartay in guryahooda ay joogaan si ay u ilaaliyaan amnigooda.

Haweenka Afghanistan waxay walaac ka muujinayeen mustaqbalkooda kadib markii kooxda Taliban ay la wareegtay dalka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this