Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynuhu xeerka ma soo celin karaa?

Recommended Posts

Deeq A.   

DhinbiilMohamed.jpg

MADAXWEYNAHA SOO CELINTIISA XEER.LR 14/2021 SHARCIGA DALKU MUXUU KA QABAA IYO ARAGTIDEYDA…

Madaxweynuhu xeerka ma soo celin karaa?

Haa wuu soo celin karaa , waxaana si cad u qeexaya qodobka 77naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland faqradihihiisa 5naad iyo 6aad.

Xeerkani waxa wax ka badelkiisii golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland ansixiyey 10-April-2021, waxaana mudo ka dib loo gudbiyey golaha guurtida jamhuuriyada Somaliland si ay waajibaadkooda dastuuriga ah uga gutaan.

Golaha guurtida jamhuuriyada Somaliland oo mudo ka doodayey ayaa xeer lr.14/2021 xeerka ururada iyo axsaabta siyaasada duuduub ku asxiyey 27-June-2021 .

Xeerkaasi waxa loo gudbiyey madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland si uu isaguna waajibaadkiisa dastuuriga ah uga guto , haddaba ma cada taariikhda xeerku madaxweynaha gaadhay , sababta oo ah golaha guurtidu inta ay ansixiyaan ayuu mudo qaadan karaa inta uu gaadhayo xafiiska madaxwynaha .

Si kastaba ha ahaatee madaxweynaha ayaa xeerkii dib ugu soo celiyey golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland isaga oo ku sababeeyey 4 sababood sida uu shirgudoonku sheegay oo kala ah;

1-In doorashadii madaxweynaha iyo doorashada uruada iyo axsaabta siyaasadu isku beegan tahay iyaga oo labadooduba ah doorasho toos ah.

2- In ay isku beegan yihiin mudada la isku abaabulayo furashada ururada siyaasada oo lix bilood ka hor ah doorashada ururada iyo axsaabta iyo doorashada golaha guurtida jamhuuriyada Somaliland oo ay tahay in ay halsano ka dambayso doorashada golaha wakiilada oo iyaduna mudeysan 31-05-2022.

3- Xeerka ururada iyo axsaabta ee xeer lr-14/2021 maadaama oo uu sheegayo in hanaan toos ah doorashada lagu gali doono waxa uu ka hor imanayaa xeerka doorashooyinka ee 91/2020.

4- Doorashada ururada iyo axsaabta ayaa waxa ay xeerka ugu qoran tahay doorasho heer gobol ah , maadaama axsaabtu ay dalka oo dhan rabaan in ay ka wada helaan codka tooska ah doorashaduna waa in ay noqotaa mid heer qaran ah.

Su’aalo sharci ah ayaa halkani ka soo baxaya oo u yaala bahda sharci yaqaanka ee dalka , aqoonyahanaka , siyaasiyiinta iyo golaha wakiilada cusub.

1- Hadii laba xeer doorasho iska hor yimaadaan keebaa la qaadanayaa ?

2- Madaxweynaha hadii ay cadaato in xeerku ku mudo dhaafay agtiisa oo aanu yeelin sida uu dhigayo qodobka 77naad faqradihiisa 5naad iyo 6aad maxaa uu sharcigu ka qabaa ?

3- Maadaama oo sababaha uu madaxweynuhu ku soo celiyey xeerka lr.14/2021 ay intooda badan yihiin is waafajinta wakhtida doorashooyinka ( elections time frame schedule ) miyaanay ahayn in hay’adihii doorashada waafaqsanaa talo bixintooda la ogaado inta aanu madaxweynuhu xeerka dib u soo celinin ?

4- Hadii madaxweynaha loo gudbiyey xeerka isla markii guurtidu ansixisay , golihii wakiilada ee horena meesha ka baxay oo aanu golihii dambena soo fadhiisan madaxweynuhu yuu ku celin lahaa xeerka , maxaase sharcigu ka qabaa.?

Afartaasi su’aalood bahwaynta sharciga iyo siyaasiyiinta , khubarada doorashooyinka , waxgaradka iyo aqoonyahanka Somaliland ayaan u dhaafayaa bal in ay lafo guraan insha Allah.

ARAGTIDEYDA SOO CELINTA XEERKA URURADA/AXSAABTA SIYAASADA IYO REJADA MUSTAQBALKA.

Waxa aan ahaa dadka u ololeynayey mudo dheer xeerka furista ururada siyaasada iyo in aan wakhtigiisa la dhaafinin doorashadooda maadaama oo ay yihiin xuquuqo dastuuri ah oo ay muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland leeyihiin sida ku cad dastuurka jamhuuriyada Somaliland qodobkiisa 23naad faqradiisa 3aad.

Hadii uu madaxweynuhu soo celiyey macnuhu maaha in meesha laga saari karo ururadii siyaasadeed ee waxaa ay iila muuqataa in la is waafajinayo sidii ay doorashooyinku u dhici lahaayeen oo aynaan murug u gali lahayn .

Waxa aan u arkaa in madaxweynuhu danaynayo in uu ka tago taariikh wanaagsan oo uu doorasho waliba xiligeeda ku qabto, waxaana ay ka muuqataa sida uu xeerkani si taxadir leh markiiba u soo celiyey ee aanu dano siyaasadeed uga dhex baadhin.

Waxa aan rajeynayaa golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland ee aynu dooranay oo ah wakiilada dadweynuhu in ay waajib ku tahay in difaacaan xuquuqaha dastuuriga ah ee muwaadiniinta jamhuuriyada somaliland , sidaasi oo kale saxaan nidaamka doorashooyinka si macquul ah oo wadaniyad iyo lexojeclo ku jirto kana madhan dano xisbiyeed iyo shaqsiyeed.

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this