Sign in to follow this  
Deeq A.

Mooto Bajaajle lagu toogtay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
  • 20210828_171558.jpg?resize=720%2C555&sslSawirka Marxuumka

Ciidan ka tirsan Puntland ayaa maanta duhurnimadii magaalada Garoowe ku toogtay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mooto Bajaaj.

Wiilka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdikariin Xuseen Mire, waxaana dilkiisu ka dhacay wadada Soddonka oo ay isticmaalaan gaadiidka Bajaajta.

Wiilka oo xabado kaga dhaceen qeybta madaxa ayaa isla goobta ku geeriyooday sida Puntland Post ay u xaqiijiyeen dad goobta ku sugnaa, waxaana maydka marxuumka la geeyay isbitaalka Carafaat.

Ciidanka dilka gaystay oo watay gaari yar oo nooca raaxada ah ayaa ka baxsaday goobta dilku ka dhacay, waxaana saraakiil ka tirsan Booliska Puntland oo aan wax ka weydiiday dhacdan noo sheegeen in loo qabtay labo askari.

Ciidamada Puntland oo hubka ay wataan loogu tala galay in ay ku ilaaliyaan dadka rayidka ah ayaa marar badan dhibaato u geysta shacab aan waxba galabsan.

PUNTLAND POST

The post Mooto Bajaajle lagu toogtay Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this