Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u dambeeyay duqaymaha Maraykanku ka fuliyay Afghanistan

Recommended Posts

Deeq A.   

Milatariga Mareykanka ayaa Sabtidii duqeyn la bartilmaameedsaday xubno ka tirsaan Daacishta Afghanistan, taas oo ay fuliyeen diyaarad aan duuliye laheyn, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Mareykanka.

Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in weerarka laga fuliyay gobolka Nangarhar, bartilmaameedkiisuna uu ahaa qof la rumeysan yahay inuu ka dambeeyay qorshaynta weerarradii ay dadka badani ku dhinteen oo ka dhacay Kabul.

Captain William Urban ayaa sheegay in hal qof oo ka tirsan Daacish lagu dilay duqeyntii Sabtidii.

Illaa iyo hadda ma cadda in shakhsigan ku lug lahaa weerarkii lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Kabul khamiistii, kaas oo lagu dilay 170 qof oo Afgaanistaan ah iyo 13-ka tirsan askarta Mareykanka.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u dambeeyay duqaymaha Maraykanku ka fuliyay Afghanistan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this