Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka iyo Israa’iil oo wada-hadalo ka yeeshay Arrimaha Bariga Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Israa’il Naftali Bennett Aqalka Cad Jimcihii si ay uga wada hadlaan horumarka labada dhinac iyo gobolka.

Labada hoggaamiye ayaa wada qabtay shir jaraa’id ka hor kulankooda, sida lagu sheegay war ka soo baxay Aqalka Cad,Biden wuxuu tacsi u diray qoysaska askarta Mareykan ah oo lagu dilay weeraradii argagixiso ee Khamiistii ka dhacay Kabul Hamid Karzai International Airport ee Afgaanistaan ​​wuxuuna sheegay in Mareykanku uu dhammaystiri doono howshiisa, iyadoo aan loo eegin xaaladaha.

Madaxweynaha ayaa xusay in kulanka lagaga hadli doono halista Iraan”Waxaan sidoo kale ka wada hadli doonnaa halista Iiraan iyo sida ay nooga go’an tahay inaan hubinno in Iiraan aysan waligeed sameysan hub nukliyeer ah,” ayuu yiri, isagoo hoosta ka xarriiqay in Mareykanka uu sii wadi doono taageerada Israel. “Waxaan hormarineynaa diblomaasiyadda oo aan aragnaa halka ay taasi na geyneyso, laakiin haddii diblomaasiyadda ay guuldareysato, waxaan diyaar u nahay inaan u weecano xulashooyin kale.”

Ra’iisul wasaaraha Israel Naftali Bennett ayaa dhankiisa wuxuu tacsi iyo murugo qoto dheer u diray isagoo ku hadlaya magaca dadka reer Israel shacbiga reer maraykanka askartii kaga dhimatay weerarkii Kabul.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka iyo Israa’iil oo wada-hadalo ka yeeshay Arrimaha Bariga Dhexe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this