Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidammo Somaliland Oo Weeraray Guriga Coldoon

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xaaska Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo haatan u xidhan magaalada Hargeysa ayaa shaacisay inay saaka aroortii hore gurigooda oo ku yaalla Burco weerar ku soo qaadeen ciidan isugu jira Boolis iyo Millatari.

Aasiya Faarax oo ah xaaska Wariye Coldoon aya abarteeda Facebook-ga ku sheegtay in ciidammadu ay si xoog ah ku soo galeen guriga, kadibna ay baadhis ku sameeyeen.

Sidoo kale waxa ay shaaca ka qaaday in ciidammadu ay argagax weyn geliyeen carruurta iyo haweenkii xilligaas ku sugnaa guriga Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon.

“Ciidan Isugu jira mallateri iyo Booliis badan ayaa abaaro 05:00 subaxnimo soo weeraray gurigii Samafale Coldoon, iyagoo argagax geliyey caruurtii iyo haweenkiiba.” ayey tidhi

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in ciidamada Somaliland ay amar la’aan guriga kusoo daateen, iyada oo ku eedeysay inay baal mareen sharuucda caalamiga ah iyo dhaqanka.

“Intaa waxaa dheer inay guriga bila idin u soo daateen iygoo baal maray xeerarkii caalamiga ahaa iyo tii dhaqanba.” ayey raacisay Aasiya Faarax.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this