Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirkii warfaafinta Afganistan oo Jarmalka ka billaabay shaqo Bulshada Fajac & Yaab ku riday

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirkii warfaafinta Afganistan oo Jarmalka ka billaabay shaqo Bulshada Fajac & Yaab ku reebtay!

Afghanistan

Sayed Sadaat wuxuu ahaa wasiirkii warfaafinta Afghanistan kahor inta uusan u cararin Jarmalka bishii December isagoo doonayay mustaqbal fiican. Hadda wuxuu ku nool yahay magaalada bariga Jarmalka ku taalla ee Leipzig isagoo baaskiil ku shaqeysta.

Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah asxaabtiisa Afghanistan ku sugan ay ku cambaareeyeen inuu shaqooyinka noocaas ah qabto kaddib muddo labo sano ah oo uu dowladda u shaqeyayay, kahor inta uusan xilka iska casilin sanadkii 2018. Balse sida uu aaminsan yahay, shaqo waa uun shaqo.

“Waxba kama shallaaynayo,” ayuu yiri 49 jirkan u dhashay Afghanistan balse heysta dhalashada Ingiriiska, isagoo sita dhar midabka oronjada ah leh isla markaana dhinac taagan baaskiilkiisa. Wuxuu dowladda Afghanistan uga tegay kaddib khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo qaar ka mid ah dadka aadka ugu dhow madaxweynaha.

“Waxaan rajeynayaa in siyaasiyiinta kale ay isla waddadan qaadaan, inay bulshada la shaqeeyaan intii ay dhuuman lahaayeen.”

Sheekadiisa ayaa soo caan baxday kaddib isbeddelkii ka dhacay Afghanistan oo gacanta u gashay Taliban. Qoyskiisa iyo saaxiibbadiis ayaa sidoo kale doonaya inay ka tagaan dalkaa – iyagoo rajeynaya inay ku biiraan kumannaanka kale ee duullimaadyada daad-gurenta raacaya.

 

Kaddib ka bixitaankii ciidamada Mareykanka ee Afghanistan, tirada dadka Afghanistan ee magangalyada u raadsanaya Jarmalka ayaa kordhay tan iyo bilowgii sanadkan, waxayna sare u kacday in ka badan 130%, sida lagu hayo xogta Xafiiska Federaalka ee Socdaalka iyo Qaxootiga.

Inkastoo uu heysto dhalashada Ingiriiska, oo uu noloshiisa inta badan ku qaatay, haddana wuxuu dhammaadkii sanadkii hore doortay inuu dego Jarmalka, isagoo ka faa’iideysanaya fursaddii ugu dambeysay kahor inta aysan waddadaas u xirmin ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.

Wuxuu doortay Jarmalka sababtoo ah wuxuu rajeynayaa inuu dalkaasi leeyahay mustaqbal fiican uuna mustaqbalka fog door muuqda ku yeelan doono teknolojiyadda.

Balse marka taariikhdiisa la eego, Sadaat ayaa la halgamayay inuu shaqo ka helo Jarmalka taas oo la xiriirta khibraddiisa. Isagoo shahaadada koowaad ka heysta teknolojiyadda, ayaa Sadaat wuxuu rajenayaa inuu helo shaqo ku habboon. Balse maaddaama uusan aqoon luqadda Jarmalka, fursadihiisu way yar yihiin.

Afghanistan

“Luqaddu waa tan ugu muhiimsan,” ayuu yiri Sadaat.

Maalin walba wuxuu afar saacadood ku bixiyaa barashada luqadda Jarmalka oo uu ka barto iskuul luqadaha ah kahor inta uusan bilaabin shaqadiisa lixda saacadood ah ee fiidkii, isagoo dalabaadka cuntada ka qaada Lieferando, oo uu xagaagan ka shaqo bilaabay.

“Maalmihii ugu horreeyay xiiso ayay lahaayeen balse way adkaayeen,” ayuu yiri, isagoo sharraxayay caqabadda uu kala kulmay inuu baaskiil ku dhex wado waddooyinka ciriiriga ah ee magaalada.

“Mar walba oo aad bannaanka u baxdo oo aad dad aragto, wax ayaad baraneysaa,” ayuu yiri..

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this