Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir hore oo loo xidhay lacag uu ‘xaday’ oo uu Aroos ku galay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiir hore oo loo xidhay lacag uu ‘xaday’ oo uu Aroos ku galay

wasiir-1.jpg

Wasiir hore oo ka tirsanaa dowladda Malawi ayaa la xiray kadib markii lagu eedeeyay in lacagaha dowladda dadweynaha uu u adeegsaday maalgelinta arooskiisa oo ka dhacay dalkaas.

Charles Mchacha wuxuu xilliggaas ahaa wasiirka waraabka, waxaana lagu eedeeyay in lacagaha dadweynaha uu ku kireystay huteel kuwa raaxada ah halkaas oo ay toddobada kaga baxeen isaga iyo gabadha uu la aqal galay.

Wargeyska Nation ee kasoo baxa Malawi ayaa sidoo kale ku warramay in labo sarkaal oo kale oo dowladda ka tirsan ay xirtay laanta ka hortagga musuq maasuqa dalkaas.

BREAKING: Anti-Corruption Bureau (ACB) has arrested former Minister of Irrigation and Water Development, Charles Mchacha, Principal Secretary for Ministry of Irrigation and Water Development, Henrie Njoloma and Moses Mwenye, Acting CEO for Lilongwe Water Board. pic.twitter.com/rUibTJnwZ4

— NationOnline (@NationOnlineMw) August 26, 2021

Laanta la dagaalanka musuq maasuqa waxay sheegtay in saddexda sarkaal lagu soo oogi doono dacwado la xiriira xatooyo iyo musuq maasuq.Waxay dhammaantood beeniyeen eedeymaha loo jeediyay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this