Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo Xaqiijiyay In Wadahadalo La Furay Xukuumadda Beijing

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha ayaa la sheegay in ay wadahadalo xal looga gaarayo khilaafka diblomaansiyadeed ee mudada u dhaxeeyay ay u bilaawdeen markii uu xafiiska la wareegay bishii January Biden.

Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda Gaashaandhigga Mareykanka Pentagon, ayaa la sheegay in uu wadahadalo la furay Militeriga Shiinaha.

Taliyahan oo aan magaciisa la xaqiijin ayaa la sheegay in uu wadahadalada uu la yeesha militeriga shiinaha lagu gorfeeyay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka labada dal.

Mareykanka ayaa muddooyinkii la soo dhaafay siyaasadiisa Amniga qeyb kaga dhigay la dagaalka qorshaha xukuumadda Beijing, kaas oo ay ugu yeeraan in uu halis ku yahay dunida.

Madaxweyne Joe Biden ayaa horay u sheegay in dhaqdhaqaaqa Shiinaha ee dunida uu yahay Imtixaan adag oo qarnigan caalamka uu wajahayo.

Goobjoog News 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this