Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka iyo Shiinaha oo yeeshay wadahadallo ku saabsan maareynta khataraha u dhexeeya

Recommended Posts

Deeq A.   

Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda Gaashaandhigga Pentagon ayaa wadahadallo la yeeshay militariga Shiinaha markii ugu horreysay tan iyo bishii January oo uu xafiiska la wareegay Madaxweyne Joe Biden, kuwaas oo diiradda lagu saaray maareynta khatarta u dhexeysa labada dal.

Sarkaal ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa wadahadalladan u xaqiijiyay wakaaladda wararka Reuters.

Mareykanka ayaa sanadahan ka hortagga Shiinaha udub dhexaad uga dhigay siyaasaddiisa amniga qaranka, iyadoo maamulka Biden uu ku tilmaamay loolanka Beijing in uu yahay “imtixaanka ugu weyn ee juqraafi siyaasadeedka” qarnigan.

Xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo Mareykanka ayaa sii xumaanayay marba mark a ka dambeeya, iyadoo labadan dal ee dunida ugu dhaqaalaha weyn ay isku hayaan arrimo badan, kuwaas oo ay ka midyihiin arrinta Taiwan, diiwaanka xuquuqda aadanaha ee Shiinaha iyo dhaqdhaqaaqa milatari ee Badda Koonfurta Shiinaha.

PUNTLAND POST

The post Mareykanka iyo Shiinaha oo yeeshay wadahadallo ku saabsan maareynta khataraha u dhexeeya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this