Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqa Garoowe oo codsi diray kadib kiimikadii shalay ku daadatay magaalada

Recommended Posts

Deeq A.   

Duqa caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse ayaa ka codsaday dadka ganacsiga ku leh laamiga dhinacyadiisa in aysan maanta furin goobahooda ganacsiga inta laga hubinayo bed-qabkooda.

Qayba kamid ah laamiga weyn ee Garoowe ayaa shalay dadkii marayay sumoobeen kadib markii booyad halkaas martay kiimiko kaga daadatay.

Waxaan ka codsanaynaa dadka ganacsiyada ku leh laamiga dhinacyadiisa inaysan furin goobohooda ganacsi berri, inta laga hubinayo bedqabkooda” ayuu yiri duqa caasimadda.

Sidoo kale wuxu sheegay in uu isbitaalka ku booqday shan qof oo ku sumoobay kiimikada kuwaas oo xaaladooda caafimaad ka soo ranayso.

PUNTLAND POST

The post Duqa Garoowe oo codsi diray kadib kiimikadii shalay ku daadatay magaalada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this