Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland iyo Dowlad degaanka Soomaalida oo heshiis gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   
1-33.jpg?resize=960%2C567&ssl=1

Wufuud ka kala socday Dowladda Puntland iyo Dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shir ku yeeshay degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Shirkan waxa ka qayb galay madaxda Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Ganacsiga ,maamulka gobolka Mudug iyo Hay’adaha amniga gobolka Mudug, halka dhanka DDS Itoobiya u matalaayeen Guddoomiyaha gobolka Doollo, guddoomiyayaashii degmooyink Bookh, Galxamur,Galaadi,Danood iyo hay’adaha amniga ee gobolka.

Madaxda labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wadahadlay wadashaqeynta Amniga, ganacsiga, cashuuraha iyo xoojinta iskaashiga Puntland iyo DDS Itoobiyaiyo.

Shirkan intii uu socday ayaa la isla gartay in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka argagaxisada iyo falalka kale ee amniga labada dhinac lidka ku ah.

Shirkan ayaa gabagabadiisa laga soo saaray warmurtiyeed ay si wada jir ah usoo saareen Puntland iyo DDSI.

1-32.jpg?resize=723%2C960&ssl=1 2-34.jpg?resize=723%2C960&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Puntland iyo Dowlad degaanka Soomaalida oo heshiis gaaray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this