Sign in to follow this  
Deeq A.

Man United Oo Dib Ula Soo Wareegtay Cristiano Ronaldo.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Manchester United ayaa xaqiijisay inay heshiis la gaadhay kooxda Juventus iyadoo dib ula soo wareegtay Cristiano Ronaldo.

United ayaa ogolaatay inay bixiso 12.8 milyan ginni 36 jirkaan, iyadoo heshiiska uu ku xidhan yahay shuruudo shaqsiyeed, fiise iyo caafimaad.

Ronaldo ayaa dhaliyay 118 gool 292 kulan oo uu u saftay Old Trafford ka hor inta uusan u dhaqaaqin Real Madrid 2009kii.

“Qof walba oo kooxda ka tirsan wuxuu rajeynayaa inuu Cristiano dib ugu soo dhaweeyo Manchester,” ayaa lagu yidhi war kasoo baxay United.

Ku dhawaaqista United ayaa timid kadib 24 saacadood oo ay soo baxayeen warar la xidhiidhinaya Ronaldo kooxda Manchester City, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in heshiis shaqsiyeed ay hore ugu heshiiyeen labadooda.

Si kastaba ha ahaatee, Ronaldo ayaa doortay inuu ku laabto United halkaas oo uu ku qaatay lix sano wuxuuna kula guuleystay saddex horyaal oo Premier League ah, hal Champions League, labo League Cup iyo hal FA Cup – iyo sidoo kale Fifa Club World Cup iyo Community Shield – xilligaa oo tababare u ahaa naadiga Sir Alex Ferguson.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this