Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Waxbarashada Puntland oo si adag u dhaliilay Hanti-dhawrka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Wasiirka-waxbarashada-Puntland.jpg?resiz

Wasiirka Waxbarashada dowladda Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa si adag u dhaliilay hannaanka uu Hanti-dhawrka Puntland u maray baarista wasaaradda Waxbarashada.

Wasiir Cabdullaahi, ayaa sheegay in Hanti-dhawrka Puntland aysan waddo sax ah u marin xannibidda Akoonada Wasaaradda iyo shaqa-joojinta lagu sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaraddaas.

Wasiirka ayaa walaac ka muujiyay in wasaaradda Waxbarashada lagu shaabadeeyo wax is-daba-marin, iyadoo aan la soo bandhigin wax caddayn ah oo muujinaya, haddii musuq maasuq ka dhacay gudaha wasaaradda.

Wuxu sheegay in tallaabadaas ay dhaawac u keenayso kalsoonida ay wasaaradda ku qabaan hay’adaha kala duwan ee kala shaqeeya horumarinta Arrimaha Waxbarashada.

Wasiirka ayaa tilmaamay in laga yaabo hay’adaha qaarkood, in ay joojiyaan dhaqaalihii ay ku taageeri jireen wasaaradda Waxbarashada Puntland, kadib tallaabada Hanti-dhawrku qaaday.

Hanti-dhawrka Puntland maalmo ka hor shaqada ka joojiyay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Puntland, oo sida ay sheegeen ku eedaysan lunsasho hanti dadweyne.

Sidoo kale, Hanti-dhawrka ayaa xannibaad saaray dhammaan Akoonada wasaaradda Waxbarashada Puntland, waxaana ay sheegeen in baaris ku socoto Wasaaraddaas.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Waxbarashada Puntland oo si adag u dhaliilay Hanti-dhawrka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this