Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo beenisay in Al-shabaab dib u qabsatay Bacaadweyne iyo Cammaara

Recommended Posts

Deeq A.   
Falagle.jpg?resize=660%2C440&ssl=1

Dowlad goboleedka Galmudug, ayaa beeniyay in Al-shabaab dib u qabsadeen degaannada Bacaadweyne iyo Cammaara oo ka tirsan Koonfurta Mudug.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle oo wareysi siiyay BBC-da, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in Al-shabaab dib u qabsadeen labadaas degaan.

Wasiir Falagle ayaa sheegay in aysan jirin sabab ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalku uga baxaan dhulka laga qabsaday Al-shabaab, islamarkaasna ay farisimahoodii ku sugan yihiin.

Saacaddaha soo socda, waxaan ummadda la wadaagi doonnaa meelaha ay ciidamadu ku sugan yihiin iyo howlgallada aynu wadno. Waxaan idiin xaqiijijinaynaa in aanay jirin hal ceel oo cadowgu naga qabsaday,” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhan ka ah Al-shabaab si looga saaro dhammaan degaannada ay ka joogaa koonfurta Gobolka Mudug.

PUNTLAND POST

The post Galmudug oo beenisay in Al-shabaab dib u qabsatay Bacaadweyne iyo Cammaara appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this