Sign in to follow this  
Deeq A.

Kiimiko ku daadatay Garowe oo waxyoolo geysatay

Recommended Posts

Deeq A.   
  • FB_IMG_16300643393109027.jpg?resize=720%Booyad bannaanka Garowe ku daadinaysa kiimiko

Duqa caasimadda Puntland Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) ayaa sheegay in maanta laamiga weyn ee bartamaha Garowe ay ku daadatay kiimiko, taas oo dad waxyeelaysay.

Kiimikada ayuu sheegay in ay ka daadahay gaari booyada oo ka soo qaaday warshada isbuuyada ee Tabaarak ee Gaorwe, wuxuuna intaas ku daray in ciidanka amniga ay booyadii iyo darawalkii waday gacanta kuu soo dhigeen.

  • FB_IMG_16300643614772454.jpg?resize=720%Haweenay ka mid ah dadkii ku sumooday kiimikada

Ilaa iyo saddex qof oo mid ka mid ah xaaladiisu culustahay ayaa ku sumooday kiimikada, kadib markii ay neefta waayeen, waxaana hadda lagu tacaalayaa isbitaalka guud ee Garowe.

Duqa Garowe ayaa tilmaamay in ciidanka Booliska, dabdamiska iyo hawlwadeenadda degmada ay nadiifin iyo barxid kiimiko hadda kuwaan aaggii kiimikadu ku daadatay.

Axmed Bare ayaa warkan ku sheegay qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, isagoo dadweynaha uga digay arrintan.

FB_IMG_16300635710658677.jpg?resize=720% FB_IMG_16300635532664341.jpg?resize=720% FB_IMG_16300635424111990.jpg?resize=720% FB_IMG_16300635250449156.jpg?resize=720% FB_IMG_16300635484272854-1.jpg?resize=72

PUNTLAND POST

The post Kiimiko ku daadatay Garowe oo waxyoolo geysatay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this