Sign in to follow this  
Deeq A.

Labadii Qarax ee gilgilay Garoonka Diyaaradaha Kabul+Tirada Askarta Maraykanka ee ku dhimatay Qaraxyada oo Korodhay+Sawirro Argagax leh

Recommended Posts

Deeq A.   

Labadii Qarax ee gilgilay Garoonka Diyaaradaha Kabul+Dhimashada Tirada Askarta Maraykanka ee ku dhimatay Qaraxyada oo Korodhay

 

517E2FA7-9892-4461-AE47-ADD144DE9BCC_w10

Ugu yaraan 60 qof oo shacab ah iyo 12 askari oo Mareykan ah ayaa la dilay, kadib markiii laba qarax oo is-miidaamin ah lagu soo weeraray garoonka diyaaradaha Hamid Karzai ee magaalada Kabul, sida ay sheegeen saraakiisha Afghanistan iyo Mareykanka.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in 11 ka mid ah ciidamada badda iyo hal qof oo ka tirsanaa shaqaalaha caafimaadka ee ciidamada badda ay ka mid yihiin dadka dhintay.

Waxa ay sheegeen in 12 kale oo ka tirsan ciidanka Mareykanka ay dhaawacmeen, iyagoo sheegay in tiradu intaas ka badnaan karto.

Sidoo kale in ka badan 140 qof oo reer Afghanistan ah ayaa dhaawacmay, sida uu sheegay sarkaal Afganistan ah.

Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in la rumeysanyahay inay weerarkan geysteen kooxda la baxday Dawladda Islaamka.

Garabka ISIS ee Afghanistan ayaa aad uga xagjirsan Taalibaan, oo dhawaan la wareegay gacan ku haynta Afghanistan, iyaga oo cambaareeyay weerarka.

Saraakiisha reer Galbeedka ee ku sugan Kabul ayaa hore uga digay weerar culus, iyagoo dadka ku boorriyay inaysan imaan agagaarka garoonka dayuuradaha, laakiin talooyinkaasi dhag-jalaq uma siin dadka reer Afghanistan oo aad u doonayey inay dalka ka baxaan dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, isla markaana qeyb ka noqdaan dadka ay daad-gureynayaan xulufada Mareykanku hoggaaminayo kahor inta uusan Mareykanku si rasmi ah u soo afjarin joogitaankiisii 20-ka sano bishan Agoosto 31-keeda.

 

 

kan-1.jpegkan-1.jpgkan-2.jpegkan-2.jpgkan-3.jpgkan-4.jpgkan-5.jpg kan-7-scaled.jpgEDITORS NOTE: Graphic content / Medical staff bring an injured man to a hospital in an ambulance after two powerful explosions, which killed at least six people, outside the airport in Kabul on August 26, 2021. (Photo by Wakil KOHSAR / AFP) (Photo by WAKIL KOHSAR/AFP via Getty Images) kan-8.jpgkan-9.jpg

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this