Sign in to follow this  
Deeq A.

 koox Laf-dhuun gashay ku noqotay Talibaan & Reer Galbeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

 koox Laf-dhuun gashay ku noqotay Taliban & Reer galbeedka

Hool aroos ka dhacayay oo 2019-kii lagu qarxiyay magaalada Kaabuul
Hool aroos ka dhacayay oo 2019-kii lagu qarxiyay magaalada Kaabuul

Ururka la baxay Dowladda Islaamka Khorasan (IS-K), ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkii ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Kabul.

Qaraxaas waxaa ku dhintay ugu yaraan 90 qof, waxaana ku dhaawacmay 150 kale.

Taliban waxay sheegtay in 28 ka mid ah dagaalyahannadeeda ay ku jiraan kuwii ku dhintay qaraxyada, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Sarkaal aan la magacaabin oo Taliban ah ayaa yiri: “Waxaa inaga dhintay tiro ka badan midda Mareykanka”.

Iyadoo taasi ay jirto, haddana Taliban waxay ku adkeysanayaan in Mareykanka uusan dhaafin wakhtiga kama dambeysta ee loo qabtay in dalkaas uu uga baxo.

Ugu yaraan 13 askeri oo Ameerikaan ah ayaa ka mid ah 90-ka qof ee ku dhimatay qaraxyada ka dhacay garoonka Kabul, xalay fiidkii.

Kooxda xiriirka la leh Ururka IS ayaa sheegtay in weerarkaas ay qaaday.

Haddaba, maxay tahay kooxda, maxayna yihiin ujeedooyiinkeeda?

Isis -K – ama Gobolka Khorasan ee ururka la baxay Dawladda Islaamiga ah (ISKP)- waa urur-goboleed ka tirsan kooxda Isis (ama kooxda la magacbaxday Dowladda Islaamka) oo ka hawlgala Afghanistan iyo Pakistan.

Waa ururka ugu xag-jirsan marka laga hadlayo dhammaan kooxaha jihaad doonka ah ee dalka Afghanistan.

Waxaa la aasaasay bishii Janaayo 2015-kii oo ahayd xilligii ay IS haysatay awoodda ugu sarraysa ee Ciraaq iyo Suuriya, ka hor intii aanay kooxda jebinin isbahaysigii uu Maraykanku hoggaaminayay.

Waxay shaqaaleysiisaa jihaadiyiinta Afghanistan ​​iyo Pakistan, gaar ahaan kuwa ka goosta Taalibaan-ka Afghanistan ​​oo aan u arkin ururkooda inuu yahay mid fulinaya wixii ay rabeen.

Maleeshiyaad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Dowladda Islaamka ayaa lagu qabtay gobolka Nangarhar, Afghanistan.
Maleeshiyaad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Dowladda Islaamka ayaa lagu qabtay gobolka Nangarhar, Afghanistan.

Isis-K ayaa lagu eedeeyay qaar ka mid ah gabood-falladii ugu xumaa sanadadii la soo dhaafay, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday dugsiyada gabdhaha,Cusbitaallada iyo xitaa qeybta dhalmada halkaas oo sida la sheegay ay ku toogteen haween uur leh iyo kalkaaliyeyaal.

Si ka duwan Taliban, oo ujeedkoodu ku kooban yahay Afghanistan, kooxda Isis-K ayaa qayb ka ah shabakadda IS ee caalamiga ah oo doonaysa inay weerarro ku qaado bartilmaameedyada reer galbeedka, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa bani’aadamnimada, meel kasta oo ay gaari karaan.

Xagee saldhigooda uu ku yaallaa?

Isis-K waxaa saldhig u ah gobolka bari ee Nangarhar, oo u dhow waddooyinka mukhaadaraadka iyo kuwa dadka tahriibiya ee gudaha iyo dibadda Pakistan.

Tirada kooxda waxaa lagu qiyaasaa ilaa 3,000 oo dagaalyahan – balse waxaa soo gaaray khasaare aad u weyn markii ay isku dhaceen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Afghanistan, iyo sidoo kale Taliban.

Ma waxay xidhiidh la leeyihiin Taliban?

Si guud ahaan ah, way dhici kartaa in uu xiriir ka dhexeeyo, iyada oo u maraysa dhinac saddexaad, oo ah shabakadda Xaqqani.Sida ay cilmi-baarayaashu sheegeen, waxaa jiro xidhiidh xooggan oo ka dhexeeya Isis-K iyo shabakadda Xaqqani, oo iyaduna xidhiidh dhow la leh Taliban.

Ninka hadda mas’uulka ka ah ammaanka Kabul waa Khalil Xaqqani oo madaxiisa la dul dhigay $ 5m oo doolar.

 

Dr Sajjan Gohel oo ka socda hay’adda Aasiya Pacific Foundation, ayaa sanado badan kormeerayay shabakadaha mintidiinta ee Afghanistan.

Wuxuu yiri: “Dhowr weerar oo waaweyn oo dhacay intii u dhaxeysay 2019-kii iyo 2021, waxaa ku lug lahaa iskaashi dhex maray Isis-K, shabakadda Xaqqani ee Taliban iyo kooxaha kale ee argagixisada ah ee fadhigoodu yahay Pakistan”.

Markii Taliban ay qabsatay Kabul 15kii Ogoosto, kooxda waxay xabsiga Pul-e-Charki ka sii daysay maxaabiis aad u badan, oo la sheegay inay ku jiraan IS iyo mintidiinta al-Qaacida. Dadkan ayaana haatan baxsad ah.

Balse ISIS-K way ka aragti duwan yihiinTaliban oo waxay ku eedeynayaan in ay ka tageen Jihaadka iyo goobta dagaalka iyagoo doorbidaya heshiis nabadeed oo looga wada xaajooday “hoteellada raaxada ah” ee magaalada Doxa, dalka Qatar.

Dagaalyahannada IS ayaa hadda ah caqabad weyn oo xagga amniga ah oo ay Taalibaan wajaheyso, arrintaas oo hoggaanka Taliban ay wadaagaan hay’adaha sirdoonka ee reer galbeedka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this