Sign in to follow this  
Deeq A.

Weeraro lagu dilay 210 qof oo Ethiopia ka dhacay+Xaaladda oo ka sii dareysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Weeraro lagu dilay 210 qof oo Ethiopia ka dhacay+Xaaladda oo ka sii dareysa

Weeraro lagu dilay 210 qof oo Ethiopia ka dhacay iyo xaaladda oo kasii dareysa

 Koox hubeysan ayaa toddobaadkii tegay 150 qof ku dilay galbeedka dalka Ethiopia, taasi oo dhalisay weeraro aargudasho oo dhimasho badan, sida uu maanta sheegay Guddiga Xuquuqda Aadanaha Ethiopia ee EHRC.

“Dadka degan halka weerarka uu ka dhacay ayaa guddiga u sheegay in dableyda ay dileen 150 qof,” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray guddiga EHRC.

Weerarkan ayaa 18-kii bishan dhacay kadib markii ciidamada ammaanka Ethiopia ay kasoo baxeen qeybo ka mid ah gobolka Oromia ee galbeedka Ethiopia oo xasillooni darro ay ka jirto, sida uu sheegay guddiga. 

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay guddig EHRC in kooxda weerarka fulisay ay ka tirsan yihiin Ciidamada Xoreynta Oromada ee Oromo Liberation Army (OLA), oo horey loogu eedeeeyey rabshadaha ka socda galbeedka iyo koonfurta Ethiopia. 

Dilalkan ayaa dhaliyey barakac xooggan oo ay sameeyeen dadka deegaanka, gaar ahaan haweenka iyo caruurta, kuwaas oo u cararay deeegaanada deriska la ah.

Kooxda OLA oo la rumeysan yihiin inay yihiin maleeshiyo ka kooban dhowr kun, ayaa ka go’ay Jabhadda Xoreynta Oromada ee Oromo Liberation Front (OLF). 

Dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa ku eedeysay OLA inay fulisay dhowr xasuuq oo dhowaanahan lagu beegsaday qowmiyadda Amxaarada, oo ah tan labaad ee ugu badan dalka, inkasta oo OLA ay beenisay eedeymahaas.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this