Deeq A. Posted August 26, 2021 In ka badan 60 qof oo reer Afghanistan ah iyo 12 askari oo Mareykan ah ayaa la dilay tobanaan kalena waa la dhaawacay markii khamiistii laba qarax oo xooggan ka dhaceen afaafka hore garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kabul. Laba qof oo isqarxiyay iyo dabley ayaa weeraray dad badan oo reer Afghanistan ah oo ku soo qulqulay garoonka diyaaradaha ee Kabul, kuwaas oo doonayay inay ka cararaan qabsashada Taliban ee dalka Afghanistan. ISIL ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka ka dhacay bannaanka hore ee garoonka diyaaradaha Kabul, sida lagu daabacay kanaalka Telegram ee wakaaladda wararka kooxda ee Amaq. Dagaalyahannada Taliban ayaa ilaalo ka hayey xayndaabka garoonka Kabul, xiliga weerarku dhacay. Wadamada reer Galbeedka ayaa maalmo ka hor ka digay weerar ka dhaca garoonka Kabul, iyagoo shacabka uga digay inay ka fogaadaan halkaas. 11 maalmood gudahood tan iyo markii Taliban qabsatay Kabul, Mareykanka iyo xulafadiisu waxay Kabul ka daadgureeyeen in ka badan 88,000 oo qof. Militariga Mareykanka ayaa sheegay in diyaaraduhu ay duulayaan qiyaastii 39 daqiiqo kasta. PUNTLAND POST The post Ku dhawaad 100 ruux oo lagu dilay qaraxyo ka dhacay Kabul appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites