Deeq A. Posted August 26, 2021 Dagaal xooggan oo u dhexeeya laba malayshiya-beeleed ayaa galabta ka qarxay degaanka Mira-cawleed oo ka tirsan degmada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud. Malayshiyaad hubaysan oo ka soo kala jeeda degmada Galinsoor iyo Dhabbad ayaa ku dagaallamaya degaanka Mira-cawleed sida laga soo xigtay Goob-joogayaal. Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalka inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin. Lama sheegin weli waxa uu ku salaysanyahay dagaalkaas u dhexeeya labada malayshiya-beeleed. PUNTLAND POST The post Dagaal beeleed culus oo ka socda nawaaxiga Galinsoor appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites