Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Soomaali Ah Oo Weeraray Safaarada Faransiiska Ee Dalka Tansania

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Dar es Salaam)-Waxaa soo baxaya faahfaahino la xidhiidha nin weeraray safaarada ay dowlada Faransiiska ku leedahay magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania.

Nin hubeysan ayaa dilay saddex askari oo boolis ah iyo waashmaan khaas ah meel ku dhow safaarada Faransiiska oo ku taalla xaafadda dublamaasiyadeed ee magaalada Dar es Salaam, ka hor inta aan toogasho lagu dilin.

Muuqaalo internetka la soo geliyay oo ay duubaan dad ka daawanayay dhismayaasha ka soo horjeeda safaaradda Faransiiska, ayaa lagu arkayay ninka hubaysnaa oo ku jira gudaha safaarada.

Booliisku waxay sheegeen in ninka weerarka geystay uu markii hore bastoolad ku toogtay laba askari oo boolis ah oo ku sugnaa isgoys ku yaalla degmadaas oo ay ku yaallaan dhowr xafiis oo diblomaasiyadeed. Wuxuu qori ka qaatay askartii booliiska ee uu diley, wuxuuna lug ku aaday safaaradda Faransiiska oo dhowr boqol oo mitir u jirta, isagoo si aan kala sooc lahayn u toogtay oo qabsaday halka laga waardiyeeyo safaarada.

Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ayaa barteeda Twitter -ka ku sheegtay in qofka weerarka geystay la diley xaaladuna ay caadi tahay.

“Waxaan tacsi u dirayaa adeegga booliska iyo qoysaska saddex boolis, iyo hal sarkaal oo ka tirsan shirkadda amniga SGA, oo naftooda ku waayey kadib markii qof hubeysan uu ku weeraray aagga Salenda ee Daarusalaam,” ayay tidhi Xasan.

Lix qof ayaa ku dhaawacantay marka laga reebo afarta qof ee la dilay, sida uu sheegay taliyaha hawlgallada iyo tababbarka booliska Liberatus Sabas.

Booliiska Tanzania ayaa baashaya dhacddadan oo uu gaystay nin asalkiisu yahay Soomaali. Kormeeraha Guud ee Booliska Simon Sirro ayaa u sheegay saxafiyiinta in ay tuhunsan yihiin in ninka weerarka gaystay laga yaabo in uu ka yimid gobolka Cabo Delgado ee Mozambique, laakiin ay weli baadhayaan arrintan.

Booliiska ayaan bixin tafaasiisha la xidhiidha sababta uu ninkan hubeysan weerarka u qaaday iyo cidda uu beegsanayay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this