Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa Kuma Wasiirka Damaanadda Looga Saxeexay Jaamac Kuutiye Oo Ka Mid Ah Maxaabiistii Ugu Caansanaa Ee Shalay Xukuumaddu Oodda Ka Qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Somaliland Md. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa ka mid ahaa dadka damaanadda laga qoray ee shalay qaar ka mid ah maxaabiis muddo dheer xabsiga weyn ee Hargeysa ku jiray kuwaasi oo u xidhnaa falal argagixisanimo oo lagu eedeeyey wakhtigii xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, kuwaasi oo muddo dhawr iyo labaatan sano ah kadib shalay dib u helay xorriyadooda.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Somaliland Md. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa isagu waxa uu si gaar ah u damiintay oo warqad looga saxeexay mid ka mid ah maxaabiista shalay la sii daayay oo ay isku deegaan ka soo jeedaan kaasi oo ah Jaamac Cabdi Ismaaciil (Jaamac Kuutiye) oo ka mid ahaa ragga ugu caansan ee muddoda intaasi le’eg xabsiga ku jiray kuna eedaysnaa fallakaasi argagixisanimo.

Warqadda damaanadda ah ee Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Somaliland Md. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi ku saxeexay oo lagu socodsiiyay Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Foore ayaa waxa ay u dhignayd sidan:

“Aniga oo ah Cabdirashiid X. Ducaale Qambi Cabdalle waxaan caddaynayaa in aan anigu damiin buuxa ka ahay wixii dhib ah ee uu la yimaaddo Jaamac Cabdi Ismaaciil ina Khadiija Siciid oo ah maxbuus muddo dheer ku xidhnaa xabsiga Hargeysa.

Sidaa darteed waxaan taliye kaa codsanayaa in ninkaas aad dammaanaddaydaas ku sii daysid”. Waxa warqaddaasi damaanadda ah markhaatiyaal ka ahaa oo ku saxeexan labada nin ee la kala yidhaa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Daahir iyo Sakariye Mustafe Maxamuud”.

Shalay ayay ahayd markii xukuumadda Somaliland oodda ka qaaday maxaabiistaasi uu ka mid ahaa Jaamac Kuutiye oo ay sidoo kale ku jireen rag ay ka mid ahaayeen Daa’uud Saalax Iidle iyo Cabdiraxmaan Indhocadde oo dhammaantood ahaa xubno dawladdii  Daahir Rayaale ay sannadihii 2003 iyo 2004 ay ku eedaysay in ay galeen dambiyo la xidhiidha falal argagixisanimo. Maxaabiistan ayaa qaarkood dhawr iyo labaatan sano ku jireen xabsiga Hargeysa iyaga oo wakhtigii xukunkoodu dhammaaday kuna darsaday sannado kale oo dhaadheer. 14-kii November sannadkii 2005 ayaa raggan shalay la sii daayay qaarkood lagu xukumay dil toogasho ah balse markii dambe xabsi wakhti dheer ah dib loogu xukumay.

Akhri Warqadda Damaanadda:

p.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this