Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Somali ah oo weerar ku qaaday safaaradda France ee Tanzania oo la dilay+Khasaaruhu geystay Dhimasho & Dhaawac

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin Somali ah oo weerar ku qaaday safaaradda France ee Tanzania oo la dilay+Khasaaruhu geystay Dhimasho 7 Dhaawac

3b43e1a9-b3b0-4f24-8358-d5839785a44d_w10

Nin ku hubeysnaa qori darandoori u dhaca ayaa la dilay ka dib markii uu weeraray islamarkaana ku dilay saddex askari oo booliis ah iyo nin ilaalo ahaa agagaarka safaaradda Faransiiska ee magaalada Darussalam ee caasimadda ganacsiga Tanzania, sida ay sheegtay madaxweynaha dalkaasi Samia Suluhu Hassan.

Hassan ayaa Twitter-keeda ku qortay in “la dilay ninkii weerarka gaystay” ayna xaaladda “hadda degan tahay.”

Booliiska Tanzania ayaa baaraya dhacddadan oo uu gaystay nin asalkiisu yahay Soomaali. Kormeeraha Guud ee Booliska Simon Sirro ayaa u sheegay saxafiyiinta in ay tuhunsan yihiin in ninka weerarka gaystay laga yaabo in uu ka yimid gobolka Cabo Delgado ee Mozambique, laakiin ay weli baarayaan arrintan.

Booliiska ayaan bixin tafaasiisha la xiriirta sababta uu ninkan hubeysan weerarka u qaaday iyo cidda uu beegsanayay.

Muuqaallo lagu baahiyay mareegyada oo aan si dhab ah loo xaqiijin karin ayaa muujinaya albaabada safaaradda Faransiiska ee Darussalam, nin taagan banaanka albaabka, iyadoo la maqlayo dhawaqa rasaasta.

TV-yada Tanzania ayaa baahiyay muuqaallo muujinaya booliiska oo xiran jaakadaha aysan xabbadu karin oo isku duwaya wax u muuqday mayd yaallay banaanka safaaradda, sida ay warisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this