Deeq A. Posted August 26, 2021 Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in ay xiriir iyo wadatashi wax ku ool ah la furtay Taalibaan, kadib kulan dhex-maray wakiilo ka socday kooxda iyo safiirka Shiinaha ee Kabul. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda China, Wang Wenbin ayaan wax faah-faahin oo intaas dheer ka bixin wada-hadallada oo Talaadadii dhexmaray ku xigeenka madaxa xafiiska siyaasadda Taalibaan Abdul Salam Hanafi iyo danjire Wang Yu. Hase yeeshee waxa uu sheegay in China ay Kabul u aragto “masrax iyo marin muhiim ah in labada dhinac ay kaga wada-hadlaan dhammaan arrimaha.” China ayaa bishii tegtay wada-hadallo ku marti-gelisay wafdi uu hoggaaminayey hoggaamiyaha Taalibaan Mullah Abdul Ghani Baradar, kahor inta aysan kooxda la wareegin Kabul. PUNTLAND POST The post Shiinaha oo wada-hadal la furay Taalibaan appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites