Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay wakiilka hay’adda UNCHR

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa Muqdisho kulan kula qaatay madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHC.

Kulanka ayaa ahaa kii u horreeyay ee dhexmara madaxweyne Qoor Qoor iyo madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHC Mr. Magatte Guisse oo dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wadashaqeynta UNHRC iyo dowlad gobaleedka Galmudug iyo sidii loo dardar gelin lahaa Xafiiska Hay’adda ay dhawaan ku yeelan doonto magaalada Dhusamareeb.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay wakiilka hay’adda UNCHR appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this