Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo kulan la qaatay Guddiyada qaabilsan Arrimaha doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   
4-17.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay gudiyada hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed iyo heer federaal, guddiga xalinta khilaafadka iyo xubnaha Jubaland ku mataya guddiga la taliyayaasha farsamo ee Golaha wadatashiga qaran.

Xubnaha Guddiyada ayaa waxaa ay warbixin la xiriirta arrimaha doorashooyinka siiyeen Madaxweynaha Jubbaland, iyaga oo sheegay in meel wanaagsan ay wax u marayaan.

Madaxweynaha ayaa xubna Guddiga ku booriyay inay dardar galiyaan shaqooyinka muhiimka u ah Bulshada Soomaaliyeed ee ay gacanta ku hayaan.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo weli ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la filayaa in uu halkaasi kasii wado kulamada looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Axmed Madoobe oo kulan la qaatay Guddiyada qaabilsan Arrimaha doorashooyinka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this