Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Jarmalka Oo Dilay Nin Soomaali Ah oo Qoyskiisa Mindi Ku Weeraray

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliska Jarmalka Oo Dilay Nin Soomaali Ah oo Qoyskiisa Mindi Ku Weeraray

Nin Soomaali ah oo Booliska Jarmalku ku Toogteen Magaaladda Groß-Gerau ee Gobolka Hessen Kadib Markii uu Mindi ku Weeraray Qoyskiisa iyo Dad Kale oo isku dayey inay qabtaan.

Ninka Soomaaliga ah oo jiray 39 sano jir ah ayaa xalay Xaaskiisa (40 jir) iyo Soddohdiisa (66 jir) Mindi ku dhaawacay, sidoo kale waxa uu dhaawacay laba qof oo jaar ay ahaayeen oo 43 iyo 46 kala jiray.
Booliiska markii loo yeedhay ayaa ninka ku qabteen magaalada Groß-Gerau ee gobolka Hessen, halkaas ayayna ninkii xabado ku fureen, ugu danbeyna ninkaasi u dhinay dhaawac kasoo gaadhay xabadii la furay.

Hadda waxaa socdo baadhritaan sababta dagaalka qoyskan ka dhex dhacay keentay, ninka meydkiisana waxaa lagu sameynayaa baadhitaan ah inay horay wax u gaadheen iyo inkale.
Warkaan xalay ayuu nasoo gaadhay balse intaas dhan waan hubinaynay, ugu danbeynna mid kamid ah Joornaalada ugu waaweyn Jarmalka ayaa soo qoray.

jhg-1.jpg?resize=708%2C266&ssl=1

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this