Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo codsatay in wax laga qabto cabashada Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   
Beesha-Caalamka-1.png?resize=1000%2C579&

Beesha Caalamka ayaa soo dhoweesay shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee 21 iyo 22 Agoosto ka dhacay Muqdisho, waxayna bogaadiyeen wadatashigooda joogtada ah ee looga arrinsanayo hanaanka doorashada.

Qoraal ay wadajir u soo saareen Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya Belgium, Canada, Shiinaha, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub , Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka , Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta , Holand, Iswiidhan, Iswisarland, Ughaanda, Britain, Maraykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ay garowsan tahay Beesha Caalamku walaaca laga keenay hanaanka doorashada Aqalka sare.

Waxay ku booriyeen Golaha Wadatashiga Qaran inay wax ka qabtaan cabashada Aqalka Sare si loo taageero hanaan doorasho oo daahfuran, waqtiyaysan oo loo wada dhanyahay loo qabto Golaha Shacabka.

“Waxaan garowsanahay walaaca laga keenay hanaanka doorashada Aqalka sare, waxaana Golaha Wadatashiga Qaran ku boorinaynaa inay arrimahan wax ka qabtaan si loo taageero hanaan doorasho oo daahfuran, waqtiyaysan, loo wada dhanyahay oo lagu kalsoonaan karo oo loo qabto Golaha Shacabka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Beesha Caalamka ayaa soo dhoweysay dhismaha guddiga amniga soorashada, waxayna ku baaqeen in dib loo billaabo kulamada guddiga si loo xaqiijiyo in qabanqaabada amniga laga diyaariyo dhammaan goobaha codbixinta ka hor doorashada Aqalka Hoose.

PUNTLAND POST

The post Beesha Caalamka oo codsatay in wax laga qabto cabashada Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this