Deeq A. Posted August 25, 2021 Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Caddaalad iyo Sinnaan ee Puntland Maxamuud Khaliif Jabiye ayaa si kulul ugu dhaliilay xukuumadda madaxweyne Deni arrimo ay kamid yihiin dekadda Boosaaso, dimuqraadiyadda Puntland iyo doorashadii Aqalka Sare. Jabiye oo ka hadlay munaasabad xalay ka dhacday magaalada Qardho ayaa sheegay in xukuumadda Puntland ay ku fashilmatay wax ka qabashada dekadda Boosaao oo maraysa heer ciida looga saaro Cagaf, kadib markii uu xirmay ilinka iyo meelaha uu ku xirto gaadiidka badda. Wuxuu tilmaamay in xukuumadda Somaliland ay ka wanaagsan tahay tan Puntland, wuxuuna isbarbardhig ku sameeyay dekadaha Boosaaso iyo Berbera iyo sida ay labada maamul ula kala macaamileen shirkadda DP World. Dhanka kale wuxuu ku eedeeyay xukuumadda in aysan ka go’nayn hirgelinta dimuqraadiyadda Puntland, isagoo tusaale u soo qaatay miisaaniyadii 2020-kii dowladda u qoondaysay barnaamijkaas oo aan weli la bixin, kaas oo ahaa 1.4 Milyan. Sidoo kale Jabiye ayaa madaxweyne Deni ku dhaliilay qaabkii uu u maamulay Aqalka Sare, wuxuuna tilmaamay in ay muujinayso sida uusan madaxweynuhu kalsooni ugu qabin shacabka iyo baarlamaanka. Hoos ka daawo Jabiye oo arrimahaas ka hadlaya. PUNTLAND POST The post Jabiye oo si kulul u dhaliilay xukuumadda Deni appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites