Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Beyle oo la kulmay Madax ka socota Bangiga Adduunka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta Xarunta Wasaaradda Maaliyadda waxaa uu kula kumay wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dalalka Bariga Afrika Kristina Svensson.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dib-u-habeynta Maaliyadda, Mashruucayada horumarineed ee bankiga uu Soomaaliya ka wado iyo dadaalada Wasaaradda Magaalada ee sare uqaadidda Dakhliga gudaha.

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Bankiga Aduunka uu saaxiib muhiim u ah yahay  horumarka dhaqaalaha Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sanidii la soo dhaafay waxaa ay dadaal ugu jirtaa sidii dalalka deymaha ku leh Soomaaliya ay uga cafin lahaayeen halka dalalka qaarkood ay deynta cafiyeen.

PUNTLAND POST

The post Wasiir Beyle oo la kulmay Madax ka socota Bangiga Adduunka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this