Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Carabta oo war ka soo saaray xiisadda Aljeeriya iyo Marooko

Recommended Posts

Deeq A.   

Baarlamaanka Carabta ayaa sheegay inuu si hoose ula socdo isbeddelka ku  yimid xiriirka diblomaaasiyaadeed ee dowaladaha Aljeeriya iyo Marooko, kadib markii Aljeeriya ku dhaawaqday inay cilaaqaadka u jartay dowladdda Marooko.

Qoraal kasoo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa loogu baaqay labada dowladood inay mudnaanta koowaad siiyaan xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay Aljeeriya iyo Marooko inay khilaaf kasta oo jira ku dhameeyaan miiska wada hadalka sida ugu dhaqsiyaha badan .

Qoraalka kasoo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa  lagu soo gabagabeeyay in laga sugaayo madaxda labada dowladood inay adeegsaaadan xikmad si ay uga gudbaan dhibaatada taagan.

PUNTLAND POST

The post Baarlamaanka Carabta oo war ka soo saaray xiisadda Aljeeriya iyo Marooko appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this