Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka ka dhex qarxay Soomaalida iyo Canfarta Itoobiya oo sii xoogeystay 

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka ka dhex qarxay Soomaalida iyo Canfarta Itoobiya oo sii xoogeystay

canfar.jpg

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey Soomaalida iyo Canfarta oo saaka markale dib uga qarxay deegaano ka tirsan gobolka City ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadka Canfarta ay weerar ku qaadeen shacab Soomaali ah oo ku sugnaa deegaanka Biyo Cadde oo u dhow magaalada Cadheyti, waxaana halkaas ka qarxay dagaal u dhexeeyey labada dhinac.

Sidoo kale dagaalka ayaa xoogiisa waxa uu ku sii fiday tuulooyinka Shakle iyo Birta dheer, tuulada Qalacle oo ku yaalla dhinaca magaalada Candhuufa ah.

Ujeedka weerarka ay qaadeen maleeshiyaadka Canfarta ayaa lagu sheegay inay ku doonayeen inay ku qabsadaan dhammaan deegaanadaasi, kadib markii ay horey gacanta ku dhigeen magaalooyinka Garbo-Ciise & Cadayti oo ay ku sugnaayeen Soomaalida.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalka maanta ku dhintay ugu yaraan illaa 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo ka kala tirsan labada dhinac.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamullada labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi dib u qarxay ee khasaaraha badan geystay.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka uu sii xoogeysto, sidoo kalena uu kasii daro khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this