Sign in to follow this  
Deeq A.

Xafiiska Rooble oo war kasoo saaray xiisadda Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa shaaciyay in Ra’iisul wasaaraha xukumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble uu shaqsiyan u istaagi doono wax ka qabashada khilaafka ka jira gobolka Hiiraan.

Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa arrintaan ka sheegay kulankii ay shalay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaran iyo Beesha Caalamka, oo looga hadlayey arrimaha doorashooyinka dalka.

Afhayeenku si faahfaahsan uma sheegin sida uu ra’iisul wasaaruhu ku xalinayo khilaafka ka jira gobolka Hiiraan, hase yeeshe waxa uu qeyb weyn ka noqonayaa dadaalo lagu xalinayo xiisadda ka taagan maamulka HirShabeelle.

Dhinaca kale, Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay la xiriireen Ugaaska Beesha Xawaadle, iyagoo kala hadlay xaaladii cakiran ee magaalada Beladweyne.

“Ugaaska waxa uu noo sheegay in Farmaajo iyo Rooble la soo hadleen kana dalbadeen in xaalada la qaboojiyo lana xalin doono tabashooyinka jira,” ayuu yiri Nabaddoon Cilmi Guure Hagar

Nabadoon Hagar oo kamid ah odayaasha ugu caansan gobalka Hiiraan ayaa sheegay in xayiraadii ay ciidamada Milateriga saareen Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle laga qaaday.

“Albaabka ayaa lagu xiray waxaana saarnaa bandow aysan qof kaga soo bixi karin Madaxtooyada qofna ku geli karin, laakiin hada waan ka qaadnay,” ayuu yiri Nabadoon Cilmi Guure Hagar oo la hadlay Warbaahinta gudaha Muqdisho.

Si kastaba, Odoyaasha dhaqanka gobalka Hiiraan ayaa ku guuleestay in ay magaalada ka saaraan ciidamadii Janaraal Xuud, halka kuwii Milateriga dib loogu celiyay saldhigyadii ay ka soo baxeen ee gobalka Hiiraan.

The post Xafiiska Rooble oo war kasoo saaray xiisadda Beledweyne appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this